Uganda ayaa gorgortan cusub kala xaajoonaysa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ka dib markii mid hore uu meesha ka baxay sanadkii hore, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda Uganda Talaadadii.
Ramathan Ggoobi oo ah xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda maaliyada ayaa u sheegay mas’uuliyiinta in barnaamijka cusub la filayaa in la horgeeyo guddiga IMF ka dib doorashooyinka guud ee horraanta sanadka soo socda 2026-ka.
Uganda ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo iyo tan baarlamaanka bilaha January ama February ee sanadka soo socda, sida uu sheegay guddiga qaran ee doorashooyinka.