M-pesa Foundation oo mashaariic ka fulinaysa dugsiyo ku yaalla Machakos

0
206

Shirkadda tabarucaadda ee M-Pesa Foundation ayaa la filayaa in ay dhismooyin iyo qalabeyn ka sameyso dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee Vota ee ismaamulka Machakos.
Waxaa howlahan ku baxaysa lacag dhan 51 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha M-pesa Foundation Nicholas Nganga, ayaa sheegay in dugsiga hoose dhexe ee Vota ay ka dhisi doonaan sheybaar qalabeysan iyo goobta ardayda loogu kariyo cuntada oo lagu maalgelin doono 17 milyan oo shilin.
Dugsiga sare ee Vota ee dowlad deegaanka Machakos ayaa sidoo kale laga hirgelin doonaa xafiiska macallimiinta ,goobta lagu cunteeyo , maktabad iyo sheybaarro lagu dhisi doono 34 milyan.
Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo adeegsanaysa hay’adaheeda tabarucaadda ayaa tan iyo markii la billaabay, waxay mashaariicda dhanka waxbarashada ee ismaamulka Machakos ay ku maalgelisay 170 milyan oo shilin.