Maxkamadda racfaanka oo toddobaadka dambe go’aan ka gaaraysa BBI-da

0
721

Maxkamadda rafcaanka ayaa usbuuca soo socda go’aamin doonta habka loo wajahayo geeddi-socodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee loo yaqaano BBI.
2 bisha Lixaad ee June ayay maxkmadda racfaanka u asteysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah BBI-da oo ay horay maxkmadda sare ku tilmaantay inay waafaqsaneyn qaanuunka wadanka.
3 garsoore ah ayaa loo qorsheeyay inay dhagaystaan kiiska ku aadan BBI-da.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu racfaan ka qaatay go’aankii ay maxkamada sare ee dalka ku laashay geedisocodkan.