Senetarada oo maanta eegi doona xil ka qaadista barasaabka ismaamulka Kericho

0
210

Aqalka Senetka ayaa lagu wadaa in ay maanta bilaabaan dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah barasaabka ismaamulka Kericho Dr Erick Kipkoech Mutai.
Senatarada ayaa loo xilsaari doonaa inay go’aan ka gaaraan sax ahaanshaha eedeymaha kala duwan ee lagu soo oogay Guddoomiye Mutai, oo ay ku jiraan ku xad-gudbida dastuurka, ku-takri-falka xafiiska iyo dhaqan-xumo.
Kalfadhiga oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ku furmi doona kulan horudhac ah oo ay yeelanayaan Senatarada barqanimada maanta waxaana xigi doona akhrinta eedaha iyo bayaannada furitaanka ee labada dhinac.
Dhageysiga waxaa lagu sameyn doonaa guud ahaan Aqalka oo dhan.
Madaxa deegaanka Kericho ayaa looga baahan doonaa inuu ka jawaabo eedeymaha , ama qirto ama diido dambiga lagu soo eedeeyay.
Golaha deegaanka Kericho ayaa marka hore soo bandhigi doona kiiskooda, iyagoo laga sugaya cadeymo iyo doodo lagu cadeynayo xil ka qaadista Guddoomiyaha.