Hoggaamiyayaasha Kaniisadaha dalka ayaa ugu baaqay madaxweyne William Ruto inuu keeno cadeymo taageraayo eedeeynta uu u jeediyay xubnaha baarlamaanka iyagoo ku adkeystay in la dagaalanka musuqmaasuqa ay tahay in lagu saleeyo ficil, ee aysan ahayn mid hadal ah.
Golaha Qaranka ee Kaniisadaha Kenya (NCCK) ayaa sheegay in Madaxweynaha laga rabo in uu hadalkiisa la jaanqaado waxqabadyada la taaban karo si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka.
Iyagoo ka hadlayay xaflad Axadii ka dhacday kaniisada Pentecostal Evangelistic Fellowship of Africa (PEFA) ee ku taal deegaanka Roysambu ee ismaamulka Nairobi, guddoomiye ku xigeenka NCCK John Okinda ayaa sheegay in wax ka qabashada musuqmaasuqa ay u baahan tahay in ka badan doodaha dadweynaha.
Waxaa dareenkiisa ku celceliyey Samuel Njiriri oo ka tirsan kaniisada Stewards Revival Ministry iyo Peter Manyuru ee kaniisada Jesus Teaching Ministry, kuwaas oo labaduba ku booriyey Madaxweynaha inuu ku dhaqaaqo warbixinnada sirta ah ee uu awoodo.
NCCK ayaa sidoo kale ka soo horjeesatay soo jeedinta ah in la sameeyo koox ka kooban hay’ado badan oo hormuud ka noqda dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, iyadoo sheegtay in dastuurku uu doorkan u xilsaaray oo keliya guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa (EACC).
Madaxweyne Ruto oo dabayaaqadii todobaadkan dalka dib ugu soo laabtay ayaan wali ka jawaabin baaqyada isa soo taraya ee ka imanaya labada aqal ee barlamaanka iyo culumaa’udiinka si uu bulshada u soo bandhigo cadaymaha uu sheegay in uu ka hayo hay’adaha sirdoonka ee ku xiran qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.
Home Wararka Kenya Hoggaamiyayaasha Kaniisada oo madaxweynaha ugu baaqay inuu soo bandhigo cadeeymo ka dhan...