Aqalka sare oo toddobaadka dambe dhageysan doono mooshinka xil ka qaadistii barasaabka Kericho

0
605

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo Arbacada ilaa Jimcada ee toddobaadka dambe uu aqalka sare ee dalka dhageysto mooshinkii xilka looga xayuubiyay barasaabka ismaamulka Kericho, Erick Mutai.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay lagu guul darreystay in senate-ka uu arrintan u saaro guddi ka kooban 11 xubnood taasi oo uu soo jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ahna senatarka Kericho Aaron Cheruiyot.
Madaxa siyaasiyiinta mucaaradka ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Kilifi , Stewart Madzayo ayaa diiday inuu taageero soo jeedinta Cheruiyot.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka , Amason Kingi ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in laga billaabo 27-ka ilaa 29-ka bishan Siddeedaad ay dhammaan senatarrada eegi doonaan mooshinkii xilka looga qaaday barasaabka Kericho.
Eric Mutai iyo golaha hoose ee ismaamulkaasi ayaa laga doonaya in ay doodahooda gudbiyaan Isniinta.
Wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Kericho ayaa guddoomiyaha xilka ka qaaday ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu awooddiisa xafiiseed ku tagriifalay, habdhaqan xumo wayn oo uu ku kacay, ku xadgudubka dastuurka iyo dembiyo kale.
Waxyaabaha loo haysto waxaa ka mid ah inuu ansixiyay bixinta lacag dhan 85.7 milyan oo shilin in kastoo aan la wareejin badeecooyinkii lagu qaatay qandaraasyada.
Barasaabka Kericho , Eric Mutai ayaa dhankiisa sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay aan loo marin habraaca sharciga ah oo ayna ahayd mid siyaasadeysan.