Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray in ciidamo Mareykan ah geynayo dalka Ukraine si ay u dammaanad qaadaan ammaankeeda haddii ay dhacdo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka uu ka wado dalkaasi.
Mar wax laga weydiiyay intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay Fox News ayuu yiri waxaan damaanad qaadaya in ciidamada Mareykanka aan la geyn doonin si ay u difaacaan xuduudaha Ukraine.