Israa’iil oo ugu yaraan 26 qof ku dhishay Qaza

0
454

Xamaas ayaa sheegtay inay ku wargelisay dhexdhexaadiyayaasha inay ansixiyeen soo jeedinta heshiis xabbad joojin ah oo Qaza laga gaaro, kaas oo ay ku jiraan xabbad-joojin 60 maalmood ah.
Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday teendhooyin ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla magaalada Khan Younis, iyo afar kale oo lagu weeraray teendho ku taal Deir el-Balah, sida ay sheegeen isbitaallada.
Ciidamada Israa’iil ayaa qarxiyay guryo ku yaal koonfurta magaalada Qaza, halka dab xoogan laga soo sheegay xaafadda Tuffah ee bariga magaalada Qaza taasoo tirada dhimashada tan iyo waabarigii saaka ka dhigaysa 26 qof.
Dhanka kale xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Israa’iil aysan isku dayahayn joojinta gaajada baahsan, iyadoo wasaaradda caafimaadka Qaza ay sheegtay in saddex kale oo Falastiiniyiin ah ay u dhinteen nafaqo darro.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 62,004 qof, waxaana ku dhaawacmay 156,230.