NACADA oo Murang’a ku qabatay khamri been abuur ah oo qiimihiisu dhan yahay 1.4 milyan oo shillin

0
462

Suuqa Kahuho ee ismaamulka Murang’a ayaa habeenkii isniinta waxaa ka dhacay howlgal aad u sareeya ka dib markii maamulka qaranka ee ololaha ka dhanka ah khamriga iyo maandooriyaha (NACADA) oo kaashanaya taliska booliiska Murang’a ay gacanta ku dhigeen khamri been abuur ah oo lagu qiimeeyay 1.4 milyan oo shillinka dalka ah.
Intii uu socday howlgalka, saraakiisha fulinta ayaa waxaa ay soo heleen 290 kartoon oo cabitaanno khamri ah oo kala duwan ay si been abuur ah loo saaray shabada Hay’adda Dakhliga ee (KRA). Bakhaarka laga helay alaabtan ayaa waxaa lala xiriiriyay Peter Nduati, oo loo yaqaan “Mike Power”, oo ah ganacsade caan ka ah gobolka.
Sida laga soo xigtay maamulaha NACADA Dr. Anthony Omerikwa, ninkan ayaa leh 59 xarumood oo khamriga lagu iibiyo oo ku baahsan ismaamulka Murang’a oo uu si isdaba joog ah u hareer maray dadaallada fulinta sharciga sannadihii la soo dhaafay.
Koox ka tirsan Hay’adda Canshuuraha ee (KRA) ayaa la wareegtay baaritaannada, waxaana tuhmanaha la filayaa in lagu soo oogo eedeymo la xiriira canshuur lunsi iyo ka hor imaanshiyaha Sharciga Xakameynta Khamriga (2010).
NACADA ayaa ku celcelisay sida ay uga go’an tahay inay sharciga hor keento ganacsatada hareer mara sharciyada khamriga.