Xisbiga Democracy for Citizen’s Party (DCP) ayaa codsi u gudbiyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay in laga mamnuuco madaxweyne William Ruto inuu khudbad ka jeediyo kalfadhiga 80-aad, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Ku xigeenka madaxa DCP Cleophas Malala oo warbaahinta la hadlay ayaa weydiistay Qaramada Midoobay inay u diido madaxweyne Ruto madasha, isagoo ku dooday in fursadda la siiyo ay sharciyaynayso kalitalisnimada iyo khiyaamaynta dhallinyarada, haweenka, iyo shacabka Kenya, kuwaas oo danbiga kaliya ee ay galeen uu ahaa inay dalbadaan xuquuqdooda, cadaalad iyo isla xisaabtan.
Malala ayaa murran geliyay awoodda anshaxa ee madaxweyne Ruto in uu khudbad ka jeediyo golaha caalamiga ah oo sanadkan halku dheggiisu yahay ‘Wadajirka Wanaagsan’.
DCP ayaa waxaa ay ku eedaysay Madaxweyne Ruto in uu si joogto ah ugu xad gudbay mabaadi’da asaasiga ah ee Qaramada Midoobay lagu aasaasay, waxaa ayna soo bandhigtay eedaymaha ka dhanka ah maamulka Ruto, oo ay ku jiraan caburinta naxariis darrada ah ee bannaanbaxyada nabadeed iyo dhibaataynta joogtada ah ee shaqaalaha warbaahinta.
Xisbiga ayaa sii kordhiyey codsigiisa iyagoo ugu baaqay Maraykanka iyo beesha caalamka inay qaadaan tallaabo cad oo ka dhan ah Madaxweyne Ruto, oo ay ku jiraan in laga mamnuuco inuu booqasho ku tago waddamadooda iyo qaadacaada howlihiisa caalamiga ah.
Codsigan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Ruto uu isku diyaarinayo inuu booqdo magaalada New York oo uu ka furmi doono shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo bilaaban doona 9-ka September 2025-ka.