Garsooraha Maxkamadda Busia oo qeylo dhaan ka soo saaray dilaaleynta ku soo badaneyso maxkamadaha

0
387

Garsooraha guud ee magaalada Busia, Edna Nyaloti, ayaa walaac ka muujisay saamaynta sii kordheysa ee dilaaliinta ay sheegtay inay ku soo qulqulayaan nidaamka maxkamadaha maxalliga ah, iyadoo ka digtay in daacadnimada caddaaladda ay khatar ku jirto.
Warqad ku socota Guddoomiyaha Ururka Qareenda ee (LSK) Laanteeda Busia, Nyaloti ayaa waxaa ay soo xigatay kiisas shaqsiyaad la sheegay in ay ka ganacsanayeen habab maxkamadeed, oo ay ku jiraan dammaanad iyo ka noqoshada kiisaska.
Garsooraha maxkamadda ayaa magacaawday labo qof oo kala ah Dismas Osigwary iyo Maureen Ogola, kuwaas oo ay ka wadahadleen guddiga isticmaalka maxkamadda (CUC).
Nyaloti ayaa waxaa ay sheegtay in guddiga uu go’aamiyay in Osigary aan mar dambe loo oggolaan in uu dammaanad qaado ka dib markii lagu eedeeyay in uu habka dammaanadda u beddelay ganacsi, isaga oo lagu eedeeyay in uu la kaashaday qaar ka mid ah shirkadaha qareenada.
Sida ku cad warqadda, shaabad maxkamadeed ayaa sidoo kale laga helay shirkad qareen oo ku taal Busia inta lagu guda jiro baaritaannada ay waddo Waaxda Dambi Baarista ee (DCI).
Nyaloti ayaa doonaysaa in LSK ay si deg deg ah isugu yeeraan xubnahooda si ay arrintan wax uga qabtaan, iyada oo sheegtay in dhaqan xumada jirta ay wiiqeyso cadaaladda.
Intaa waxaa dheer, waxaa ay sheegtay in Maxkamadda Sharciga ee Busia ay sidoo kale gacanta ku hayso daacadnimada iyo kiisaska edbinta ee ku lug leh shaqaalahooda.
Warqadda ayaa nuqulkeeda loo diray saraakiisha sare ee garsoorka, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Garsoorka ee Busia, Madaxa Diiwaangelinta Garsoorka, iyo hoggaanka qaranka ee LSK.