Afhayeenka baarlamaanka qaranka Moses Wetang’ula ayaa ku booriyay dadka ku nool gobolka Rift Valley in ay u hiiliyaan madaxweyne William Ruto si uu mar labaad isu soo sharaxo, isaga oo ku dooday in wax qabadkiisa ilaa hadda uu yahay mid ka wanaagsan madaxdii isaga ka horeeyay.
Isagoo ka hadlayay xaflad lacag aruurin ah oo ay uga qeyb galeen Kaniisadda Katooliga ee St Peter’s ee magaalada Kapsabet, Wetang’ula ayaa sheegay in gobolka uusan u baahneyn wax qancin ah oo lagu taageerayo Ruto maadaama uu horay u muujiyay hoggaan iyo natiijooyin la taaban karo.
Wetang’ula ayaa waxaa uu meesha ka saaray dadka dhaliilaya madaxweynaha, isaga oo ku sifeeyay inay yihiin “jilayaal is doon ah oo aan ajande lahayn.”
Afhayeenka ayaa ku dooday in Kenyaanka ay arki karaan, dareemi karaan, fahmi karaan horumarka uu sameeyay maamulka Ruto, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, iyo dadaallada lagu xasilinayo dhaqaalaha.
Dareenkiisa ayaa waxaa ku celceliyay barasaabka ismaamulka Nandi Stephen Sang, kaasoo difaacay rikoorka Ruto wuxuuna ku baaqay in si cadaalad ah loo barbardhigo maamuladii hore.
Guddoomiye Sang ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in rikoodhka suurtagalka ah ee Ruto ay tahay in ay asaas u noqoto go’aaminta u qalmashadiisa mar labaad, halkii ay ka ahaan lahayd eexda shakhsi ahaaneed ama malo awaalka ku saabsan waxqabadkiisa marka loo eego madaxweynayaasha kale.
Senetarka dowlad deegaanka Bungoma David Wakoli ayaa dhankiisa sheegay in ka gobol ahaan galbeedka dalka ay go’aansadeen in ay mar labaad taageeraan madaxweyne William Ruto , si sanadka 2032-ka marka mid iyaga ka mid ah uu isusoo sharaxo xilka madaxtinimo, gobolka rift valley ay taageeri doonaan.