Boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Israa’iil si ay ugu baaqaan in la joojiyo dagaalka Qaza iyo in la gaaro heshiis lagu sii dayno maxaabiista u xiran Xamaas. Dadweynihii ugu badnaa ayaa lagu arkayay fagaaraha la haystayaasha ee magaalada Tel Aviv maalintii shalay.
Mudaharaadayaasha ayaa sheegaya in qorshaha xukuumadda Netanyahu ay ku dooneyso in ay kula wareegto magaalada Qaza uu halis gelinayo nolosha ku dhawaad 20 maxaabiis oo weli gacanta ugu jira Xamaas.
Shaqo joojin qaran oo hal maalin ah ayaa qayb ka ah mudaaharaadada ballaaran waxaana la xiray waddooyinka, xafiisyada, jaamacadaha iyo goobo kale.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in ay xireen ku dhawaad 40 qof.