Militariga Israa’iil oo duqeeyey warshad koronto oo u dhow caasimadda Yemen ee Sanca

0
456

Ciidamada badda ee Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xarun koronto oo u dhow caasimadda Yemen ee Sanca, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.
TV-ga Al Masirah ee taabacsan Xuutiyiinta ayaa Sabtidii sheegay in “gardarrada” ay waxyeello u geysatay matoorada warshadda korontada ee Hezyaz, taasoo dhalisay dab markii dambe la xakameeyay. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xaqiijiyay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay ka hortagaan burbur kale. Dadka ku nool Sanca ayaa sidoo kale sheegay inay maqleen ugu yaraan laba qarax oo waaweyn.
Militariga Israa’iil ayaa ku andacooday in goobtaasi ay isticmaalayeen dagaalyahannada Xuutiyiinta balse ma aysan soo bandhigin cadeymo lagu marmarsiyoonayo in la garaaco xarun koronto oo rayid ah, taasoo kor u qaadeysa walaaca laga qabo in duqeynta ay noqoto dambi dagaal.
War qoraal ah oo ay soo saareen warbaahinnada Israa’iil Axadda maanta ah, ayuu milaterigu ku sheegay in weerarku uu jawaab toos ah u ahaa weerarrada soo noqnoqda ee Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu soo tuuro Israa’iil.