Shaqsiyaad ka dambeeyay shabakad koronto oo sharci darro ah oo ku taal Meru oo la xiray

0
460

Saraakiisha DCI-da ee la shaqeeya Shirkadda Korontada (KPLC) ayaa gacanta ku dhigay laba qof oo lala xiriirinayo bixinta koronto sharci darro ah ee Waqooyiga iyo Koonfurta deegaanka Igembe, ee ismaamulka Meru.
Japhet Kirimi, oo loo yaqaano Senator iyo Ibrahim Gituma ayaa la qabtay ka dib markii ay saraakiishu heleen shabakad koronto oo dhulka hoostiisa ah oo ballaaran.
Waaxda dambi baarista dalka (DCI) ayaa sheegtay in shabakada ay korontada u qaybinaaysay in ka badan 21 matoor oo ceelasha biyaha, kuwaas oo biyo siinaya beero badan ee khaadka oo ku yaala tuulada Mpinda iyo nawaaxigeeda ee Kabuitu, Kanyakine, Muthucine, iyo Mangala kuwaas oo aan midkoodna aan dowladda u diiwaangashanayn.
DCI-da ayaa waxaa ay intaa ku dartay in shabkada sharci darrada ah ay keentay in ku dhawaad 14 ka mid ah mashiinada lagu kala xawilo korontada ay fashilmaan, taas oo qasabtay in lagu badalo kharash badan oo lagu qiyaasay 21 milyan oo shilinka dalka ah.
Labada nin ayaa hadda sugaya in maxkamad lasoo taago maadaama ay ku jiraan xabsiga booliiska.