Laba qof ayaa dhimatay kadib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen uu ku dhacay webiga Kipsonoi ee buundada Soimet ee ku taal wadada isku xirta Kaplong iyo Bomet.
Sida uu sheegay sarkaalka maamulka masiibooyinka ee ismaamulka Bomet Stanley Mutai, shilka ayaa dhacay abaaro 5-tii subaxnimo ka dib markii dareewalka gaariga xamuulka ah uu xakamayn waayay baabuurka.
Taliyaha Booliiska Bomet Edward Imbwaga ayaa xaqiijiyay dhacdada isagoo intaa ku daray in hal qof oo kale oo 27 jir ah, uu ka jabay lugta uuna daryeel caafimaad ka helayo isbitaalka Kapkatet.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku booriyay wadayaasha gaadiidka in ay ka feejignaadaan waddooyinka maadaama uu dalka ka da’aayo roobab kooban.
Dhanka kale, meydadka ayaa loo qaaday qolka meydadka ee isbitaalka Kapkatet.