Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa soo saaray la talin dhinaca waddooyinka ah ka hor ciyaarta dhex mari doonto xulka Harambee Stars iyo Zambia taasoo ka dhacayso garoonka ciyaaraha caalamiga ah ee Moi oo looyaqaano Kasarani.
Warbixin ka soo baxday NPS ayaa lagu sheegay in waddooyin dhowr ah si ku meel gaar ah loo xirayo gaadiidkana loo weecin doono waddooyin kale si loo fududeeyo isu socodka goobaha muhiimka ah ee lagu qabanayo tartanka qaaradda.
Wadooyinka la xirayo ayaa waxaa ka mid ah.
Wadada Aerodrome – laga bilaabo wareega Madaraka ilaa wareega Bunyala.
Hal dhinac oo ka mid ah waddadad Lang’ata – laga bilaabo wareega Madaraka ilaa wareega Lusaka.
Hal dhinac oo ka mid ah waddada Mombasa – laga bilaabo wareega Lusaka ilaa wareega Bunyala.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan waddooyinka loo furay in loo isticmaalo wareegsiga gaadiidka ee waddooyinka la xiray oo ay ka mid yihiin wadayaasha ku safraayo waddada Mombasa ilaa xaruunta ganacsiga dhexe ee CBD inay isticmaalaan waddada Likoni (oo u dhow General Motors) ama waddada South Bypass (iyada oo loo sii marayo Ole Sereni).
Baabuurleyda isticmaalaya Waddada Lang’ata ee u socda xaruunta dhexe ee ganacsiga magaalada Nairobi ee CBD ayaa lagula taliyay inay isticmaalaan Waddada Raila Odinga ama Waddada Muhoho ee sii marta wareega Mbagathi.
Kuwa ka baxaaya xaruunta CBD-ga una socda deegaanada Ruiru, Juja iyo Thika ayaa lagula taliyay inay isticmaalaan Waddada Kiambu ee ka bixista 4-aad, iyadoo jidgooyo la dhigay Muthaiga.
Jidka weyn ee Thika ilaa Mwiki ayaa istcmalayaasha lagula taliyay inay adeegsadaan waddada Ruaka–Baba Ndogo–Lucky Summer–Nairobi River iyo Mwiki.
Kuwa ka imaanaya deegaanada Thika, Juja iyo Ruiru una socda xaruunta ganacsiga ee CBD ayaa lagu wargeliyay inay isticmalaan waddada Northern Bypass ama Waddada Kiambu, iyadhoo jidgooyo la dhigay isgooyska Ruiru halka dareewalada ka imanaya Githurai una socda CBD ay isticmaali doonaan waddada Githurai 44 iyo Kiambu Road.
Booliiska ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah la geyn doono waddooyinka ay dhibaatadu saameysay si ay u hagaan wadayaasha gaadiidka, isla markaana ay u maareeyaan isu socodka gaadiidka.
Adeegga NPS ayaa ka digay in tallaabo adag laga qaadi doono darawallada ka dhaga adeega awaamiirta.