Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa uga digay hoggaamiyayaasha mucaaradka isku day kasta oo lagu khalkhal galinayo xasiloonida dalka si ay awood ugu yeeshaan, isagoo ku dhawaaqay falalkan kuwo khatar ah oo aan la aqbali karin.
Kindiki ayaa ku nuuxnuuxsaday in Kenya ay tahay dal dimuqraadi ah oo leh dhismayaal si wanaagsan loo dhisay oo u ogolaanaya qofka inuu raadsado kursi la soo doorto iyadoo aan la adeegsan hab xagjir ah oo loogu talagalay in lagu abuuro xasillooni darro.
Waxaa Sabtidii ka hadlay deegaanka Koonfurta Baringo xilli uu ka qayb galay munnaasabada awoodsiinta haweenka ee deegaankaas.
Waxaa uu sheegay in nabadda iyo xasiloonida dalka aan waxba laga iibsan karin, isagoo sheegay in jiilka hadda jira ay tahay inay ilaashadaan jiilka soo socda.
Sidoo kale, ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa ugu baaqay mucaaradka inay la yimaadaan ajande la taaban karo oo ay shacabka ka iibiyaan intii ay dadka ku faafin lahaayeen colaado iyo halku dhegyo aan dalka horumarinaynin.