Trump oo ka guuray dalabkii xabbad joojinta ee Ukraine ka dib la kulankii Putin

0
397

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sabtidii ololihiisa uu ku joojinayo dagaalka Ukraine u weeciyay inuu helo heshiis nabadeed oo buuxa ka dib markii kulan uu la qaatay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku guul darreystay in xabad joojin la gaaro.
Wadahadal saddex saacadood qaatay oo Aqalka Cad iyo hoggaamiyeyaasha Kremlin-ka ku dhex maray saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka ee gobolka Alaska ayaan wax natiijo ah ka soo bixin balse Trump iyo hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa sheegay inay doonayaan shir madaxeed cusub oo uu ka soo qayb galo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Zelensky ayaa hadda tagi doona magaalada Washington maalinta Isniinta ah halka madaxda Yurub ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka ka dib markii Trump uu uga warbixiyay shirka.
Trump ayaa barta uu ku leeyahay aalada internet-ka ee Truth Social ku sheegay in shalay ay eheed maalin weyn oo lagu guuleystay isagoo intaa ku daray in madaxda Yurub ay taageereen qorshihiisa shir madaxeedka cusub.