Xildhibaanka deegaanka Mwala Vincent Kawaya ayaa dood cusub ka dhex huriyay waaxda caafimaadka dalka isaga oo soo jeediyay in la dhexdhexaadiyo soo iibinta dawooyinka iyada oo loo marayo Dowladda Dhexe.
Kawaya oo saaxiib dhow la ah madaxweyne William Ruto, ayaa doonaya in dhaqaalaha hadda la siiyo dowladaha ismaamullada si ay u soo iibiyaan saadka isbitaallada loo wareejiyo Hay’adda KEMSA, isagoo ku doodaya in guddoomiyaasha dowlad goboleedyada ay ku fashilmeen howshii loo igmaday.
Waxaa uu ku eedeeyay madaxda ismaamullada in ay sabab u yihiin dawo la’aanta baahsan ee ka jirta isbitaallada dadweynaha, isaga oo ku eedeeyay in ay si xun u maareeyaan kheyraadka ka imaanaya Maamulka Caafimaadka Bulshada ee SHA iyo in ay si aan cadaalad ahayn ay eeda ugu wareejiyeen Madaxa Qaranka.
Hoggaamiyahan oo ka tirsan xisbiga tallada dalka hayo ee UDA ayaa waxaa uu tilmaamay inay socdaan wada tashiyo lagu xadidayo xakamaynta hoggaamiyeyaasha dowlad deegaannada ee lacagaha SHA, isagoo sabab uga dhigay waxqabad la’aan iyo musuq maasuq ka jira ismaamullada, taasoo uu sheegay inay u soo bandhigtay malaayiin Kenyaan ah oo ku tiirsan isbitaallada dadweynaha dhibaatooyin baaxad leh.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Xildhibaan Kawaya oo soo jeediyay iibka dawooyinka dhexe ee isbitaallada dadweynaha