Madaxweyne Trump oo la kulmay dhigiisa Ruushka

0
373

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ka tagay Alaska iyaga oo aan gaadhin wax heshiis ah oo ku saabsan xabbad-joojin dagaalka Ukraine.
Kadib kulan socday ku dhowaad saddex saacadood, labada hoggaamiye ayaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay, iyaga oo soo saaray bayaan kooban kadibna ka baxay goobta, iyaga oo aan wax su’aalo ah ka jawaabin.
Waxay ahayd hab wareeg ah oo lagu heshiiyey in dhawr saacadood oo wadahadal ah ka dib, aanu jirin wax heshiis ah. Xabad joojin ma jirto. Ma jiraan wax la taaban karo oo laga warbixiyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Vladimir Putin ay sameeyeen “horumar aad u wanaagsan”, laakiin iyada oo aan tafaasiil yar laga helin waxa ay taasi noqon karto, wax loo daayo male-awaalka adduunka.