Israa’iil oo weli duqeyneysa Gaza iyadoo 4 qof oo dheeraad ah ay u geeriyoodeen gaajo

0
646

Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaangelisay afar dhimasho oo dheeraad ah oo la xiriirta gaajo.
Tani ayaa tirada guud ee Falastiiniyiinta u dhintay gaajada iyo nafaqo darrada tan iyo markii uu dagaalka Israa’iil ee Gaza billowday ka dhigeysa 239, oo ay ku jiraan 106 carruur ah.
Dhanka kale ,ugu yaraan 23 Falastiiniyiin ah, oo ay ka mid yihiin 10 qof oo gargaar raadinayay ayaa la dilay tan iyo waaberigii maanta.
Israa’iil ayaa weerarradan ka gaysatay magaalada Qaza iyo goob gargaar oo ku taalla agagaarka Rafax ee Koonfurta Qaza.
Natasha Davies, oo ah maamulaha howlaha kalkaalinta ee Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ee (MSF), ayaa u sheegtay Al Jazeera in gargaarka soo galaya Qaza uu yahay sida ay hadalka u dhigtay “dhibic biyo ah bad dhexdeeda”.
Waxay goobaha gargaarka ee ay maamusho hay’adda tabarucaadda ee gargaarka ee Qaza (GHF) ku tilmaamtay “xasuuq isu ekaysiinaya gargaar, kuwaasoo sababa xaalado dhimasho badan”.