Israa’iil oo dishay ugu yaraan 100 qof hal maalin gudaheed

0
629

Ugu yaraan 100 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ka fulisay guud ahaan Gaza Arbacadii.
Warbaahinta Aljazeera ayaa ku warramaysa in qaybo badan oo Waqooyiga marinka Gaza ah ay isu beddeleen “dhul cidlo ah oo aan nolol lahayn” sabab la xiriirta weerarrada sii xoogeysanaya ee Israa’iil.
Ugu yaraan 8 qof oo dheeraad ah, oo ay ku jiraan 3 carruur ah, ayaa u dhintay gaajo, taasoo tirada guud ee dhimashada la xiriirta gaajada ee marinka Gaza ka dhigaysa 235 qof, oo ay ku jiraan 106 carruur ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Khuburro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay fulineyso “dil caafimaad” iyadoo burburisay nidaamka daryeelka caafimaadka ee Gaza, isla markaana dishay oo gaajeysiisay shaqaalaha caafimaadka.
Dagaalka Israa’iil ee Gaza wuxuu sababay dhimashada ugu yaraan 61,722 qof iyo dhaawaca 154,525 qof.
Waxaa sidoo kale la qiyaasaa in 1,139 qof lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii dhacay 7-dii Oktoobar, 2023, waxaana la afduubtay in ka badan 200 qof.