Israa’iil oo lagu eedeeyey inay si ula kac ah u xannibtay gargaarkii Qaza

0
194

In ka badan 100 hay’adood oo kuwa samafalka ah ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay sii waddo inay gargaarka baniaadannimo ka xannibto Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil horay ballan qaadday inay oggolaanayso caawimaad dheeraad ah si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay gaajada halkaasi ka jirta.
Hay’adda samafalka ee Oxfam ayaa sheegtay in gargaar ku kacaya in ka badan 2 milyan oo doollar la diiday.
Hay’adda Care waxay iyadana sheegtay in gargaar loogu talagalay hooyooyinka iyo dhallaanka oo ku kacaya in ka badan 2 milyan oo doollar la sugayo muddo 5 bilood ah inuu deegaankaasi galo.
In badan oo hay’adaha gargaarka ah waxay sheegeen in Israa’iil aysan oggolaan gaadiidka mucaawinada sida inay galaan Qaza tan iyo markii ay xannibaaddu billaabatay bishii saddexaad.
Hay’aduhu waxay ka digeen xeerarka cusub ee ay wax ku kala saarayso Israa’iil inay gabi ahaanba yihiin kuwo iyaga hor istaagaya.