Maraykanka oo cunaqabateyn saaray kooxda hubeysan ee Congo

0
225

Waaxda Maaliyadda ee dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in ay cunaqabateyn ku soo rogtay koox hubeysan oo ka jirta dalka Congo taasi oo lala xiriiriyo ciidamada militariga ee waddankaasi.
Waxaa sidoo kale xayiraadda ay saameynaysa shirkad soo saarto macdanta iyo labo shirkadood oo badeecooyinka ka keena dibadda kuwaasoo uu fadhiggoodu yahay Hong Kong.
Dhinacyadan ayaa lala xiriiriyay shaqaaqooyinka hubka la isku adeegsado iyo iibinta macdan muhiim ah.
Tani ayaa ka mid ah tallaabooyinka uu maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku doonaya in nabadgalyo waarta ay uga dhaqan gasho Congo.