Garsoore heer federaal ah oo Mareykan ah ayaa ku amray maamulka Trump inuu soo celiyo qeyb ka mid ah deeqdii uu dhawaan ka xayiray e Jaamacadda California ee magaalada Los Angeles (UCLA).
Xaakimka degmada San Francisco Rita Lin ayaa sheegtay in hakinta ay jabisay amar horudhac ah ee bishii June, kaasoo ay ku amartay Mu’asasada Qaranka ee Sayniska (NSF) inay dib u soo celiso dhowr deeq oo ay ka joojisay Jaamacadda California.
Toddobaadkii hore, UCLA ayaa waxaa ay sheegtay in dowladda ay xayirtay deeqo dhan 584 milyan oo doolar oo maalgelin ah. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu dhimi doono dhaqaalaha dowladda dhexe ee uu siiyo jaamacadaha sababo la xiriira dibadbaxyada Falastiiniyiinta taageersan ee looga soo horjeedo dagaalka Israa’iil ee Qaza.
Dibad baxayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda ay si khalad ah u barbar dhigayso dhaleecaynta ololaha milatari ee Israa’iil ee Qaza iyo qabsashada dhulka Falastiiniyiinta ee Yuhuud nacaybka, iyo u doodista xuquuqda Falastiiniyiinta oo taageero u ah xag jirnimada.