Kenya iyo Iiraan oo qabsaday muddo 60 maalmood ah si loo soo afjaro mamnuucista dhoofinta shaaha

0
442

Kenya iyo Iiraan ayaa ku heshiiyey inay dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqayn doona sidii caqabadaha ganacsiga loogu saari lahaa muddo 60 maalmood ah, taasoo u gogol xaaraysa in la qaado xayiraaddii saarnayd Dhoofinta Shaaha Kenya ee loo dhoofiyo dalkan ku yaalo gobolka Bariga Dhexe.
Heshiiska ayaa lagu gaaray Kalfadhiga 7-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Iiraan (JCC) oo ka dhacay magaalada Nairobi, iyadoo ay si wada jir ah u shir-gudoomiyeen Madaxa wasiiradda ahna wasiirka arrimaha dibada iyo qurba joogta Musalia Mudavadi iyo Wasiirka Beeraha ee Iiraan, Dr. Gholamreza Nouri Ghezalcheh.
Mamnuucidda ayaa ka dhalatay fal dambiyeed ganacsi oo ay ku lug lahayd shirkad Kenyaan ah oo lagu magacaabo Cup of Joe Limited, taasoo, sida baaritaannada lagu sheegay, soo dejisay shaaha heerka hoose, oo la isku daray, dibna u dhoofiyay Iiraan iyadhoo ku calaamadaysay calaamada shaaha ugu sarreeya ee Kenya.
Guddiga shaaha ee Kenya ayaa tan iyo markaas diwaanka kala noqday shirkadan, taasoo hadda wajahaysa dacwad.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha iyo Xoolaha, Mutahi Kagwe, ayaa sheegay in labada dowladoodba ay go’aansadeen in ay soo bandhigaan xeerar adag oo lagu ilaalinayo hufnaanta dhoofinta shaaha Kenya.
Guddiga wadajirka ah ee dhawaan la sameeyay ayaa dejin doona qaab si loo soo celiyo kalsoonida, dhaqan gelinta heerarka tayada, iyo dib u dhoofinta ka hor dhammaadka 60-ka maalmood.