Dowladda oo laga dalbaday in ay si lacag la’aan ah gabdhaha ardayda ugu qaybiso agabka caadada la iskaga nadiifiyo

0
437

Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi loo gudbiyay dacwad lagu doonayo in dowladda dhexe lagu amro in ay si lacag la’aan ah gabdhaha ardayda ugu qaybiso suufka ay haweenka isku nadiifiyaan xilliga caadada.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay qareen lagu magacaabo Elvis Begi Nyachiro Abenga.
Garyaqaanka ayaa xusay in tani ay ardayda gabdhaha ah fursad u siin doonto in aysan ka baaqan goobaha waxbarashada.
Waxaa uu xusay in ugu yaraan boqolkiiba 60 ee gabdhaha ka soo jeedo qoysaska danyarta ah aynan dugsiyada tagin xilliga ay qabaan dhiigga billaha maadaama aynan awoodin in ay helaan suufka nadaafadda.
Dacwaddan ayaa mar kale la soo hadal qaadi doonaa 2-da bisha lixaad ee sanadkan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo maanta caalamka looga dabaal degaya maalinka nadaafadda ee xilliga caadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here