Barasaabka ismaamulka Kisumu Anyang’ Nyong’o ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) uu soo saari doono musharax kula tartami doona madaxweyne William Ruto doorashada guud ee 2027-ka.
Isagoo ka hadlayay fiidnimadii Isniinta intii lagu jiray wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Talefishinka TV47, maamulaha ODM ayaa waxaa xusay in ODM ay tahay xisbi madax bannaan oo ay xaq u leedahay inay soo bandhigto musharax.
Nyong’o ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga ODM uu wali ka tirsan yahay mucaaradka, si la mid ah xisbiyada kale ee dalka uuna soo bandhigi doono musharixiinta u taagan dhammaan jagooyinka doorashada.
Inta lagu guda jiro wareysiga, Nyong’o ayaa waxaa uu sidoo kale in ODM ay ka qayb qaadanayso oo kaliya horumarinta dalka.
Waxaa uu ku adkaystay in maamulka hadda jira uu si gaar ah u hoggaamiyo Isbahaysiga United Democratic Alliance (UDA) iyo xisbiyada kale ee xiriirka la leh, isla markaana ODM uusan ka mid ahayn xisbiyada ku jira isbahaysiga Kenya Kwanza.
Home Wararka Kenya Anyang’ Nyong’o oo xaqiijiyay in ODM ay soo bandhigi doonto musharrax madaxweyne...