Taliye ku xigeenka booliiska dalka oo iska fogeeyay geeridii Albert Ojwang

0
472

Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Eliud Lagat ayaa sheegay in maxkamadda sare aynan awood u lahayn in ay amarto in dacwad lagu soo oogo.
Lagat ayaa lala xiriiriyay afduub, dhibaateyn iyo dil loo gaystay Albert Ojwang oo lagu hayay saldhigga booliiska ee bartamaha Nairobi.
Waxaa uu xusay in eedeymaha isaga ka dhanka ah ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, la iska dhaadhiciyay oo aynan jirin caddeyn wax ku ool ah oo taageeraysa.
Waxaa sidatan sheegay qareenkiisa oo lagu magacaabo Cecil Miller.
Garyaqaanka ayaa xusay in maxkamaddu aynan qof dembi ku caddeyn karin iyadoo aan kiiskiisa la dhageysan sidoo kalena aynan waaxda dacwad oogidda dalka ku amri karin in qofkaasi dacwad lagu soo oogo.
Qareenka ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ay tahay mid madax bannaan oo maxkamadeyn sameysa marka ay caddeyn hesho.