Hal qof oo ku dhaawacmay dab saameeyay Kiamaiko

0
359

Waxaa la xaqiijiyay in hal qof uu ku dhaawacmay dab xalay saameeyay aagga Ex-Grogon oo ka tirsan xaafadda Kiamaiko ee ismaamulka Nairobi.
Shacabka ayaa sheegay in dabka uu ka billowday qarax ka dhashay gaas.
In ka badan 150 qoys ayuu khasaare ka soo gaaray dhacdadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu si xowli ah u fiday oo aan lagu guulaysan iskudaygii dadweynaha iyo saraakiisha dab damiska ee caasimadda dalka.