Martha Koome oo qaabishay wafdi garsoor oo ka yimid Itoobiya

0
354

Madaxa waaxda cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa la kulantay wafdi cadaaladeed oo ka yimid waddanka Itoobiya oo uu hoggaaminaya dhiggeeda dalkaasi Tewodros Kebede.
Waxay sheegtay in hannaanka cadaaladda ee Kenya uu sameeyay horumar casri ah.
Koome ayaa intaasi ku dartay in xiriirka ka dhexeeya dalalka Kenya iyo Itoobiya uu yahay mid taariikhi oo ku saleysan is-ixtiraam.
Waxay xustay in kastoo xiriirkan uu muddo dheer soo jiray in haddana ay labada dhinac bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii billaabeen iskaashi nidaamsan oo dhanka garsoorka ah.
Xilligaasi ayaa la saxiixay heshiis is-afgarad ah oo hagaya wada shaqeynta iyo aqoon iswaydaarsiga maxkamadaha waddamadan dariska ah.
Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa tilmaantay in marka khibradaha la wadaago, la iska caawinaya xallinta caqabadaha sidoo kalena la dardargelinaya guulaha la gaari karo.