Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki, wasiirka wasaaradda macdanta iyo kheyraadka badaha Cali Xasan Joho, barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir iyo gacan-yaraha madaxweynaha dalka Farouk Kibet ayaa dhaliil u jeediyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee qaranka Rigathi Gachagua.
Tani ayaa timid ka dib markii Gachagua oo ku maqan Maraykanka uu dhawaan hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay meesha ka saartay turxaan bixintii la xiriirtay qaadashada aqoonsiga qaran taasi oo sida uu hadalka u dhigay ay ka faa’iidayaan ajaaniib.
Hasa ahaate , madaxda ayaa xilli ay ku sugnaayeen fagaaraha Tononoka ee ismaamulka Mombasa sheegay in Gachagua uu ku howlan yahay marin habaabin iyo siyaasad ku saleysan qabyaalad.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in aan marnaba loo dulqaadan karin hadallada noocaasi ah.
Siyaasiyiintan ayaa tilmaamay in loo baahan yahay adeegsiga siyaasad aan cidna lagu takooreyn deegaanka ay ka soo jeedda mise diinteeda.