Makau Mutua oo difaacay qorshaha magdhowga ee dowladda

0
181

La-taliyaha arrimaha dastuurka iyo xuquuqul aadanaha ee madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa difaacay qorshaha ay dowladdu magdhow ku siinaysa shacabkii iyo saraakiishii ammaanka ee dibadbaxyada ku waxyeelloobay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Prof. Makau Mutua oo loo xil saaray isku duwidda howshan ayaa xusay in magdhowga ay ka faa’iidi doonaan dhibbanayaasha mudaaharaadyadii bishii Koowaad ee 2017 ilaa 31-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Waxaa uu u jawaabayay hoggaamiyaasha mucaaradka ee kala ah Kalonzo Musyoka iyo Eugene Wamalwa oo hindisahan ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Waxay intaasi ku dareen in arrintan aan miisaaniyad loo qoondeyn.
Hasa ahaate, Prof. Makau Mutua ayaa Kalonzo iyo Wamalwa ka dalbaday in ay tixgeliyaan dareenka dhibbanayaasha iyo ehelladooda.
Waxaa uu ku boorriyay in xifaaltanka kala dhexeeya dowladda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dalka hoggaamiyaan uunan ku qasbin in ay dafiraan xaqa ay leeyihiin dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay mudaaharaadyada.
Makau ayaa difaacay madaxweyne William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu sheegay in ay keliya sameynayaan waxa saxda ah ee ay u baahan yihiin dhibbanayaasha iyo qoysaskooda.