DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in ballaarinta waddada Rironi-Mau Summit la billaabi doono bisha 10-aad

0
218

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in bisha Tobnaad ee sanadkan la billaabi doono in la ballaariyo waddada xiriirisa Rironi-Mau Summit .
Waxaa uu horay u xusay in mashruucan la billaabi doono bishii Toddobaad ee sanadkan balse taasi ayaa waxaa ku yimid dib u dhac.
Ujeeddada laga leeyahay ballaarinta waddadan ayaa ah fududeynta ciriiriga isku socodka gaadiidka iyo dardargelinta ganacsiga gobolka.
William Ruto ayaa deegaanka Limuru ka sheegay in ismaamulka Kiambu ee bartamaha dalka uu ka faaiidi doono mashaariic waawayn oo dhanka waddooyinka ah.
Sidoo kale, waxaa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijyada dowladda ee dhanka beeraha, caafimaadka , tiknolojiyadda , guriyeynta, waxbarashada iyo kuwo kale ay si wayn u wanaajiyeen nolosha malaayiin qof oo kenyaan ah
Dhanka kale , madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu dadaal badan ku bixin doono mideynta shacabka.