Xoolo lagu dhacay Turkana oo dib loo soo celiyay

0
227

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa warbixin uu oo saaray ku sheegay in dib loo soo celiyay xoolo lagu dhacay ismaamulka Turkana.
Howlgalkan oo ay iska kaashadeen saraakiisha waaxyo kala duwan ayaa laga fuliyay xadka Kenya iyo Itoobiya.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo degmada Kokuro Mr. Evans Kimoni, saraakiisha booliiska , howlwadeennada ismaamulka Turkana iyo guddoomiye xaafadeedyada ayaa 8 neef oo lo’o ah ka soo celiyay aagga Lowaat oo u dhexeeya Kibish oo ka tirsan Kenya iyo Dassanech Woreda oo hoos tagto Itoobiya.
6-dii bishan ayay ahayd markii koox looga shakiyay in ay burcad yihiin ay lo’dan ka kaxeysteen halka loo yaqaano Welegech.
Maamullada Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wada go’an tahay xoojinta nabadgalyada, amniga iyo iskaashiga dhanka xuduudda ay wadaagaan.