Gachagua oo sheegay in uunan warbixin u gudbin doonin DCI

0
505

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa ka jawaabay hadallo ay jeediyeen madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen.
Waxay Gachagua ka dalbadeen in marka uu waddanka dib ugu soo laabto uu saraakiisha dambi baarista la wadaago warbixin ku saabsan hadalkiisi ahaa in madaxweynaha qaranka uu la kulmay xubno argagixiso.
Waxay Kindiki iyo Murkomen xuseen in ay qasab tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo sheegta waxyaabo caddeyn u baahan.
Hasa ahaate , Rigathi Gachagua ayaa sheegay in booliiska Kenya aynan billaabin baaritaan ka dhan ah madaxweynaha .
Waxaa uu intaasi ku daray in cidda baaritaannada ku haysa Kenya ay tahay Maraykanka sidaasi awgeedna haddii loo baahdo uu faahfaahin siinaya aqalka sare ee Maraykanka.