Barasaabka Kisumu oo dalbaday in dib loo qaabeeyo waddada Kisumu-Kakamega

0
392

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa ku baaqay in mar kale dib loo naqshadeeyo waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Kisumu iyo Kakamega.
Tani ayaa timid ka dib markii shil dhacay fiidnimadii Jimcada ay ku dhinteen 26 ruux.
Waxaa shilka galay bas dugsiyeed oo dad laga geeriyooday ka soo qaaday Nyahera una waday deegaanka Nyakach ee Kisumu ka hor inta uunan gadoomin.
Prof. Nyong’o oo dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ku booqday isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching & Referral Hospital (JOOTRH) ayaa maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ka codsaday inuu waddadaasi dib u qaabeeyo si looga baaqsado shilal kale.
Ugu yaraan 28 qof oo shilkaasi ku dhaawacmay ayay xaaladdooda caafimaad sidii hore ka wanaagsan tahay halka dowladdu ay ballan qaadday in ay bixin doonto qarashaadka caafimaadka ee daaweynta dhaawacyada iyo aaska kuwa geeriyooday.