Raila: Kama qoomamoonayo in aan garab siiyay Ruto

0
373

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in uunan marnaba ka qoomamoonayn go’aankii uu ku taageeray madaxweynaha dalka William Ruto ee lagu ballaariyay maamulka dowladeed.
Xilli uu ka qayb galay aaska xildhibaankii hore ee deegaanka Rarieda ee ismaamulka Siaya Bob Jalang’o Nyanduga ayuu Mr. Odinga carrabka ku adkeeyay in ODM ay sidaasi sameysay iyadoo u daneynaysa qaranka.
Waxaa uu soo hadal qaaday dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda oo uu xusay in xilligaasi ay qaranka burbur qarka u saareen.
Raila Odinga ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ahayd in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo loo tanaasulo danaha qaran sidaasi awgeedna aynan marnaba ka qoomamoonayn.
Waxaa uu dhanka kale walaac ka muujiyay falalka musuqmaasuqa ee saameeyay waaxyo kala duwan isagoo sheegay in tani ay carqaladeynaysa horumarka iyo maamul wanaagga.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in isaga iyo Ruto wada shaqeyntooda aynan ku koobnayn doorashada guud ee sanadka 2027-da.