DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo difaacay barnaamijyada awoodsiinta ee dowladda

0
342

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa u jawaabay shakhsiyaadka dhaliilsan barnaamijyada awoodsiinta ee laga fulinaya ismaamullada waddanka.
Wuxuu dadkaasi ku tilmaamay kuwo aan ka warqabin sida ganacsatada hoose ay noloshooda iyo tan qoysaskooda ugu maareeyaan lacagaha yar ee maalinkii ay helaan.
Ruto ayaa ka hadlayay munaasabadda awoodsiinta dhallinyarada iyo ganacsatada ismaamulka Nairobi oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee State House.
Waxaa uu sheegay in bisha soo socoto dowladda iyo bangiga adduunka oo iskaashanaya ay ilaa 5 bilyan oo shilin ku bixin doonaan in min 50,000 oo shilin la siiyo ilaa 100,000 oo dhallinyaro ah.
Waxaa uu xusay in da’yartan oo ka kooban ilaa 70 ururro ganacsi ah ay noqon doonaan kuwo ka soo jeeda dhammaan deegaannada hoose ee waddanka.

Dhanka kale ,madaxweyne William Ruto oo maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Limuru ee ismaamulka Kiambu ayaa difaacay waxqabadka maamulkiisa.
Waxaa uu xusay inuu xaqiijin doono in horumar laga sameeyo qayb kasta oo dalka ka mid ah.