Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhiggiisa DAP-K Eugene Wamalwa ayaa ka soo horjeestay qorsho ay dowladdu dhawaan shaacisay.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo soo saaray amar madaxweyne ayaa billaabay geeddisocod magdhow lagu siinaya dadkii ku waxyeelloobay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay tan iyo sanadkii 2017-kii.
Dadkan ayaa isugu jiro shacab iyo saraakiisha ammaanka waxaana howshan gacanta ku haynaya xafiiska madaxweynaha , wasaaradda arrimaha gudaha iyo midda maaliyadda.
Hasa ahaate Kalonzo iyo Wamalwa ayaa xusay in loo baahan yahay in arrimaha magdhowga lagu wareejiyo guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR.
Waxay tilmaameen in arrintan ay u baahan tahay in dhexdhexaad laga noqdo.
Kalonzo iyo Wamalwa ayaa ku andacoonaya in dhibbanayaasha aynan ku kalsoonaan karin shakhsiyaad ay dowladdu soo magacawday.