Kindiki oo Gachagua ka dalbaday in arrimo uu ka sheegay Maraykanka uu la wadaago DCI

0
252

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua ka dalbaday in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da uu la wadaago xogta uu haya.
Tani ayaa timid ka dib markii Gachagua oo ku maqan Maraykanka uu eedeymo u jeediyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxay Kindiki iyo Murkomen xuseen in ay qasab tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo sheegta waxyaabo caddeyn u baahan.
Gachagua ayaa looga fadhiyaa inuu warbixintiisa u gudbiyo laamaha ammaanka ka dib marka uu dalka dib ugu soo laabto.