NACADA oo qabatay khamri sharci darro ah

0
187

Maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah daroogada ee (NACADA) ayaa qabtay khamriga gudaha dalka ka ah sharci darrada oo gaaraya ilaa 7,000 oo liitar .
Howlgalkan ayaa laga fuliyay Koonfurta ismaamulka Kakamega ee Galbeedka Kenya.
NACADA ayaa hoosta ka xarriiqday in ay si gaar ah u bartilmaameedsatay tuulooyinka Malinya, Sigalagala iyo Musingu oo uu ganacsigan sharci darrada ah ku badan yahay.
Maamulka ayaa xusay in howlgalkan uu la kaashaday taliska booliisk ee Kakamega wuxuuna ku soo aaday ka dib toddobaadyo la sameynayay kormeer iyo xogo ay soo gudbinayeen shacabka.
Waxaa halkaasi lagu soo xiray saddex eedeysanayaal oo hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Kakamega waxayna wajahayaan dacwado la xiriira sameynta iyo iibinta khamriga.
Madaxa fulinta ee NACADA Dr. Anthony Omerikwa ayaa sheegay in ay sidoo kale qabteen agab kala duwan oo loo adeegsanayay ganacsigan kuwaasoo la burburiyay.
Waxaa uu sheegay in ay fulinayaan amar uu bixiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen oo ahaa in la cirib tiro maandooriyaha si loo badbaadiyo qoysaska iyo si guud bulshada.