IEBC oo shaacisay xilliga la qabanaya doorashooyinka ku celiska ah

0
217

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa sheegay in 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan la qaban doono doorashooyin ku celis ah.
Waxaa doorashooyinkan lagu buuxin doonaa kuraas ka bannaan baarlamaanka , aqalka sare iyo goleyaasha deegaannada hoose ee ismaamullada.
Guddoomiyaha IEBC ,Erastus Edung Ethekon ayaa wargelin lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda ku sheegay in codeynta ay u dhici doonto si waafaqsan dastuurka waddanka.
Waxaa uu qoraalka ku xusay in dhammaan xisbiyada iyo musharraxiinta ka qayb qaadanaya doorashooyinka ku celiska ah lagu wargelinaya in ay si buuxda ugu hoggaansamaan habdhaqanka wanaagsan ee la xiriira codeynta.
Deegaannada hoose ee laga codeyn doono oo gaaraya 16 ayaa kala ah Angata Nanyokie ( ismaamulka Samburu), Chemundu/Kapng’etuny (Nandi), Chewani (Tana River), deegaanka hoose ee Fafi Ward ( ismaamulka Garissa), Wagooyiga Kariobangi (Nairobi), Bariga Kisa oo ka tirsan ismaamulka (Kakamega), Metkei (Elgeyo Marakwet) ,Waqooyiga Mumbuni (Machakos), magaalada Narok (Narok), Purko (Kajiado), Tembelio (Uasin Gishu), Nyansiongo, Nyamaiya, Ekerenyo (Nyamira), Kabuchai/Chwele ee ismaamulka Bungoma ,Lake Zone iyo Nanaam oo ka wada tirsan ismaamulka Turkana.
Waxaa uu guddoomiyaha IEBC intaasi ku daray in ay berri soo bandhigi doonaan liiska labaad ee kuraasta loo codeyn doono 27-ka bisha 11-aad ee sanadkan waxayna kala yihiin xilka senatarnimo ee ismaamulka Baringo iyo 6 deegaan baarlamaneed sida Banisa, Kasipul, Magarini, Malava, Waqooyiga Mbeere iyo Ugunja.
IEBC ayaa xisbiyada siyaasadeed u qabatay ugu dambeyn 17-ka bisha Sagalaad ee sanadkan si ay u soo gudbiyaan magacyada saraakiisha rasmiga ah ee la ansixiyay iyo macluumaadka is-reebreebka.
Saraakiisha dowladda ee doonaya in ay tartamaan ayaa looga baahan yahay inay 7 cishe gudahooda isku casilaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in musharraxiinta la soo xulo 8-da iyo 9-ka bisha Tobnaad ee sanadkan iyadoo ololaha doorashooyinka uu soconaya inta u dhexeysa 8-da bisha Tobnaad ilaa 24-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Guddiga IEBC ayaa laga soo xigtay inuu adeegsan doono diiwaanka codbixiyeyaasha la ansixiyay ee sanadkii 2022-kii.