Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhintay sideed kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Korompoi ee ku teedsan wadada Kitengela iyo Isinya .
Shilkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa waxaa ku lug lahaa gaari nooca ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari xamuul ah,waxaa uuna Booliska sheegay in si fool ka fool ah ay isugu dhaceen baabuurtaas.
Booliska ayaa sheegay in shilkan uu yimid ka dib markii mid ka mid ah baabuurtaasi uu isku dayay in uu dhaafo gawaari farabadan, kadibna uu ku dhacay mid soo socday.
Toddobada qof ayaa isla goobta ku dhintay, sida ay booliisku sheegeen, iyagoo intaa ku daray in dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaalka.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhimashadu ay sare u kacdo sababtoo ah dadka dhaawacmay ayaa qaba dhaawacyo darran.
Dadka deegaanka ayaa xiray wadada mashquulka badan, iyagoo dalbanaya in wax laga qabto dhibaatada.