Madaxweyne Ruto oo ka tacsiyadeeyay geerida wasiirrada Ghana ee shilka ku dhintay

0
678

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada waxaa uu tacsi u diray dowladda dalka Ghana.
Tani ayaa timid ka dib markii shil diyaaradeed oo dhacay ay ku nafwaayeen ilaa 8 qof oo ay ka mid yihiin labo wasiiro ah.
Waxaa uu sheegay inuu u tacsiyadeynaya dhiggiisa dalkaasi John Mahama, shacabka iyo dowladda Ghana oo ayna garab taagan yihiin xilligan adag.
Dadka shilka ku dhintay waxaa ka mid ah wasiirka difaaca ee Ghana Edward Boamah iyo dhiggiisa arrimaha deegaanka , sayniska, tiknolojiyadda iyo hal-abuurka Ibrahim Maxammad.
Diyaaradda ayaa ku burburtay gobolka Ashanti ee dalka Ghana.