2 qof oo ku eedeysan burcadnimo oo lagu xiray Mombasa

0
601

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ismaamulka Mombasa lagu xiray labo eedeysanayaal ah.
Abaare 11:45 habeennimo ee xalay ayaa warbixin lala wadaagay saraakiisha saldhigga booliiska ee Mjambere ee deegaan baarlamaneedka Kisauni.
Waxaa warbixinta soo gudbiyay qaar ka mid ah xubnaha bulshada oo walaac ka muujinayey koox dhallinyaro ah oo hubeysan oo lagu arkay aagga Kadongo Stage.
Waxaa isla markiiba goobta tagay ciidamada ammaanka iyagoo gacanta ku soo dhigay labo qof oo eedeysanayaal ah.
NPS ayaa bayaanka ku xustay in shakhsiyaadkan ay siteen baangado waxayna hadda ku jiraan saldhigga booliiska iyagoo maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la hor geyn.
Dhanka kale , howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliiska iyo saraakiisha adeegga duurjoogta dalka ee KWS ayaa lagu soo xiray labo qof.
Howlgalka ayaa laga sameeyay aagga Namba ee deegaanka Bariga Suna ee ismaamulka Migori.
Ciidamada ayaa xusay in ay qabteen mooto lagu siday 6 ah foolasha maroodiga oo muggooda uu yahay 18.8 kiilogaraam qiimo ahaanna dhan 1.8 milyan oo shilin.
Labada ruux ayaa kala ah wadihii mootada oo 58 sano jir ah iyo haweeney da’deedu lagu sheegay 35 sano waxayna hadda ku jiraan saldhigga ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.