Dowladda ismaamulka Garissa oo saxiixday heshiis ay ka faa’iidaysanayaan qaxootiga

0
1310

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa hay’adda DRC la saxiixday heshiis lagu wado in ay ka faa’iidaystaan in ka badan 9000 oo ka mid ah qaxootiga ku nool xeryaha Dadaab.
Waxaa uu is-afgaradkan ku saabsan mashruuc soconaya saddex sano oo dhanka nolol maalmeedka ah kaasoo loo yaqaano (ABLI-G).
Waaxda dowladda ismaamulka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkan looga gol-leeyahay isku filnaanshaha qaxootiga iyo bulshada marti gelisay ee Garissa.
Mashruucan oo uu maalgelinaya Midowga Yurub ayaa lagu bartilmaameedsanayaa 9,905 qof oo si toos ah uga faa’iidi doono.
Shakhsiyaadkan ayaa isugu jiro qaxootiga iyo dadka deegaanka ee Dadaab iyo Fafi.
Barnaamijkan ayaa horseedaya fursado ganacsi oo uu dakhli ka soo xaroon karo ,maalgelin, xuriyadda socdaalka ,isku xirka suuqyada iyo xallinta murannada maxalliga ah ee saameeya howlaha dhaqaalaha iyo diiwaangelinta.
Sidoo kale heshiiskan ayaa ah mid xoojinaya waxyaabo qabsoomay muddo sanad ah oo ay ka mid yihiin in dib u habeyn lagu sameeyay 7 ah machadyada farsamada ee loo yaqaano TVET, boqolaal arday ah oo bartay culuunta farsamada sida tolitaanka dharka , adeegyada korontada,cillaan saaridda , saxaafadda dijitaalka ah iyo waxyaabo kale.
Dowladda ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in 28 arday ah ay dhammaadkii bishii saddexaad ee sanadkan u fariisteen imtixaanka xarumaha farsamada ee TVET.
Sidoo kale 51 arday ah ayaa la siiyay deeqo waxbarasho oo ay ugu biireen machadyada si ay u bartaan culuunta caafimaadka iyo injineernimada.
Qodobka kale ee la doonayo in heshiiska dhexmaray dowladda ismaamulka Garissa iyo golaha DRC ayaa ah in 171 beeralay oo isugu jiro qaxooti iyo dadka deegaanka tababarro loo fidiyay.
Labada dhinac ee is-afgaradka qalinka ku wada duugay ayaa iska kaashanaya arrimaha beeraha , ganacsiga iyo waxbarashada.