Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uunan is hor taagi doonin qorshayaasha suurtagalka ah ee ay Israa’iil kula wareegaysa Qaza.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli la waydiiyey warbixinno tilmaamaya in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu go’aansaday inuu qabsado guud ahaan dhulwaynaha Falastiin.
Trump ayaa xusay inuu diiradda saaraya sidii lagu quudin lahaa shacabka Qaza.
Waxaa uu warfidiyeennada u sheegay in wixii intaasi dheer ay u taalla Israa’iil.