Hay’adda Laanqayrta Cas oo xarun samatabixin ah ka furtay Homa Bay

0
366

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa ismaamulka Homa Bay ka furtay xarunta isku dubaridka arrimaha samatabixinta.
Waxay sheegtay in xafiiskaasi uu si wayn ula tacaali doono maareynta musiibooyinka ee gobolka Nyanza.
Waxaa sidatan sheegay xoghayaha guud ee Kenya Red Cross Idris Axmed iyo barasaab ku xigeenka Homa Bay Joseph Oyugi Magwanga.
Idris ayaa intaasi ku daray in xarunta ay lahaan doonto qayb qaabilsan awoodsiinta dhallinyarada iyo ka qayb gelintooda xirfadaha hal-abuurka si ay dhaqaale u helaan.